Cismaan Cabdi Guuleed

Norsk–somali ordbok

(presentasjon på norsk) (presentation in English)

 

Buuggani waa daabacaaddii afraad ee Norsk–somali ordbok [qaamuuska af-noorwiijiga iyo af-soomaaliga]. Ereyadii buugga waa la kordhiyey, oo hadda wuxuu ka kooban yahay 14 700 oo ereyo iyo oraaho af-noorwiiji ah. Diiwaankii waa la kordhiyey, oo had iyo jeer ereyga af-soomaaliga ah ayaad soo rogi kartaa kaddibna aad sidaas ku heli kartaa ereyga u dhigma ee af-noorwiijiga ah.

 

Qoraaga, Cismaan Cabdi Guuleed, muddo dheer ayuu Norway ku noolaa, aqoon fiican ayuuna u leeyahay af-noorwiijiga iyo afkiisa hooyo labadaba. Wuxuu ku soo shaqeeyay turjubaannimo qoraal iyo afba ah.

Norsk–somali ordbok [qaamuuska af-noorwiijiga iyo af-soomaaliga] (daabacaaadda saddexaad, ISBN 978-82-92458-04-4) wuxuu ka kooban yahay 491 bog, qiimihiisuna waa kr 480. Waxaa la dalban karaa iyadoo warqad elektaroonig ah loo dirayo: post@elexi.no, ama teleefoon: 90145563, tellefakis: 21557728.

Boggan waxaa maammula Håvard Hjulstad

ciwaan elektaroonig ah: post@elexi.no

Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyo 2010-02-12